
DHAMAAN ASXAABTAYDA WAXAAN KA CODSANAYAA INAY LA SOCDAAN BOGGAN CUSUB
GUBA
Dadka badankiisu markay maqlaan magaca Guba waxay sawirtaan ama maskaxdooda kusoo dhacda gabayo dhaadheer oo qarni horre la tiriyey oo ay isu tiriyeen niman suugaanta Afka Soomaliga ku caan baxay oo ay kamid ahayeen Qamaan Bulxan, Cali Dhuux, Maxamed Cumar Dage, Salaan Carabeey iyo kuwa kale oo tiradoodu toban kor u dhaaftay.
Hase yeeshee Soomaalida badankeedu macluumaad waafi ah kama hayso gabayadan, siday u dhaceen, wixii kalifay, goobta ay ka dhaceen iyo ciddii ugu dambayn ku gacan saraysay iyo ciddii lagaga xoog batay ee laga gar helay ama ha gar qaateen oo is waansadeen ama yeysan sidaa yeelinee. Waxaan haddaba kalkan wax yar kaga taataabanaynaa sheeko gaaban oo ku saabsan gabayadaa Guba loo yaqaano.
Gabayada waan soo bandhigi doonaa oon erayadoodii mid mid usoo qaadan doonaa (eeg bidix kore,) haddii Eebe idankeeda lee yahay, inkasta oo la odhan karo Soomaalida suugaanta xiisaysa badankeedu way maqleen ama arkeen gabayadan oo si taxane ah loo soo tabinayo oo nin xafiday ama meel ku uruuriyey oo haya uu soo tabinayo. Waxaan filayaa inay gabayadani ka mid yihiin suugaanta aadka u faaftay ee meel walba oo Soomaaliyi ku nooshahay gaadhay. Sidaa daraadeed, cabsi badan kama qabno gabayadini inay lumaan oo jiilka dambe ee soo socda ay gaadhi waayaan. Waxaan qoraalkan dhexdiisa muhiimad gaar ah siinaynaa arimo dhowr ah oo la xidhiidha taariikhda Guba. Arimahaas oo uu hoyga doollo.com u arko inay xiiso gooni ah lee yihiin hadda ka horna aanaan arag cid wax ka qortay.
Magaca Guba Muxuu Yahay Xaggeese Kasoo Jeedaa?
In kasta oo uu magacani aad ugu hanaqaaday sugaantan taxan ee dhexmartay nimankaa aan kor kusoo xusnay, haddana waxaa xaqiiqo ah in magaca Guba uu asal kale lee yahay dadkii xilligii maansadani abuurmaysay joogayna aysan u aqoon Guba. Gabayadan sida laga war qabo waxaa bilaabay Cali Dhuux Aadan, isagaana soo af jaray oo dhameeyay. Wuxuu ku bilaabay gabaygii tirada yaraa ee ay ugu horraysay "Cartaneey Cammuud layska qaad, ceelkii Reer Magane." (eeg bogga Cali Dhuux.) Ilaa dhamaadka. Wuxuuna kusoo gunaanaday gabaygii gaabnaa ee isna ku bilaaban jiray "Gun baan ahay ganbo cad baygu xidhan, iyo gar naagood e." Ilaa iyo dhamaadka. Gabayada kale ee laga dambeysiiyo gabaygaa Cali Dhuux ka mid ma aha silsilada ee waa kuwo damac rag kale iyo tiro buuxsi cajaladaha loogu duubo. Way dhici kartaa in ay ku lug leeyihiin khilaaf dhex maray laba qoys oo kuwa Guba isu tiriyey ka mid ah, laakiin taas macnaheedu ma aha in ay taxanta kamid yihiin.
Waxaa haddaba la wariyaa in Cali markii uu tiriyey gabaygiisii labaad ee la magac baxay Deleb uu nin markaa ka ag dhawaa dadkana aad u kala yaqaanay waydiiyey "war maansadu maansadii Guba ee Saahid Qamaan Cali ma u eg tahay?" Wuxuu ninkii ku jawaabay ma hayno, waxaase halkaa ka cad in Cali Dhuux uu tix raacayey kana luun jeexanayey abwaankii caanka ahaa ee Ciid iyo Doollo, Saahid Qamaan. Waxaa kale oo halkaa ka cad in Cali uusan magac u bixin maansadan isdaba socota ee uu isagu bilaabay, kaliyase uu waydiiyey saaxiibkiisii markaa ag fadhiyey bal in maansadu tii Saahid la nooc tahay.
Gabayada Guba la yidhaahdo haddaba way ka duwan yihiin kuwan maanta aad u taqaano Guba. Waxaa gabayada magacan sida dhabta ah u leh tiriyey ama bilaabay, haddii ay xaqiiqowdo in rag kale ka qeyb qaateen, Saahid Qamaan. Meesha magacu ka raacayna waxay tahay tixdii uu Saahid lahaa "In dhawayd wax igu gaarnaan jiriyo, Guba ma aanan faadhfaadhin." Saahid wuxuu gabayadan ka tiriyey arin dhexmartay jilib hoose oo uu isagu ka dhashay oo ka mid ah Ogaadeen. Arintaasi waxa ay ahayd iyo wixii la kala mutay ujeedadeenu ma aha inaan halkan raadraacno, waxaan uun dhiraandhirinaynaa magaca Guba ah halka uu ka soo jeedo iyo inaan gabayadan Cali bilaabay loo aqoon jirin Guba xilligoodii.
Soomaalidii ay gabayadani gaadheen waxay maanta u yaqaanaan Guba. Waxa ay kula maageen ma cadda waxayse u badan tahay in ay tahay tixraacii Cali Dhuux ee u ekaysiiyey amaba barbar dhigay maansadii Saahid Qamaan. Gabayada Saahid Qamaan ee magaca Guba loogu wanqalay, maadaama ooy dhex mareen jilib hoose oo awooda in warkoodu iyaga uun ku koobnaado, si dhamaystiran Soomaalidu uma maqal lamana is wada gaadhgaadhsiinin. Arintaa ayaa waxay keentay in magacii laga dhaxlo oo silsiladan caanka ah ee badan ee suuqa weyn heshay ay dadku ugu yeedheen Guba.
Gabay xaajo ah oo uu Qamaan Bulxan tiriyey isaga oo Cali Dhuux tusaalaynaya ayaa waxaa ka mid ah beyd uu lee yahay "Geeraarka iyo faanku saw, Guba la xeer ma aha" Arintaasi waxay tusaale cad u tahay in Qamaan, Cali, iyo dhamaan abwaanadii ka qeyb qaatay gabayadan iyo ciddii xilligaas maqashayba aysen Guba u aqoon uguna yeedhin.
Cabdullaahi Xasan Rooble ninka la yidhaahdo ama jaahilnimo uusan aqoon wanaagsan u lahayn waxa uu is lee yahay ka hadal halkaa ha dhigto ama qabiil ha indha tiree, booklet kii uu qoray ees ugu yeedhay Silsiladda Guba xaqiiqooyin, iyo gabayo badan ayuu inkiray dhinacna isaga riixay. Kuwa kalana wuu is dhaafdhaafiyey oos iska hor iyo dib keenay. Ujeedadeenu ma aha inaan buuggaa naqdino, umana arko in uu mudan yahay in waqti badan lays kaga lumiyo mar haddii uu amaanadii cilmiga ahayd ee odhanaysay warku sidda uu yahay u gudbi adigoon nasakhin ama wax ka reebin qaarna is xijinin qaarna iska durkinin ku tuntay. Waxaan uga jeedaa in aan soo xigto meel yar oo uu kaga hadlayo asalka magaca Guba. Mar haddii aan buuggii magacaabayna inaan qariyo dhan ahaantiisa iyo eexda dhex yuururta way ila ahaan weyday. Meeshaas aan u jeedo waxaa weeye, Cali Dhuux oo geel Habar Yoonis Dhulbahante ka dhacday ergo u ahaa oo ka dabatagay ayaa yidhi:
-
Guboo kale haddii aan tirshoo, nimanka guubaabsho
-
Nimay guuli raacdaba wallaa, laysu gelayaaye
-
Iyadana hay garanwaayinee, geela igu siiya
Cali Dhuux Gubada uu halkan u jeedo waa tii Saahid ee ma aha tan uu isagu bilaabay een halkan kaga waramayno. Mar haddii uu isaguba yidhi maansadu Gubadii Saahid Qamaan ma u eg tahay, waxaad moodaa inaysan dhici karin in tan kale ees isagu bilaabayna uu Guba ugu yeedho. Markuu leeyahay "Guboo kale haddii aan tirsho" waxaa cad inuu tixraacayo dhacdo iyo gabay(o) hore.
Waxaa kale oo iyana meesha ku jirta in inkastoo gabayadani ay sabab u noqdeen dagaalo aan sidaa u badnayd oo ehli ah oo dhexmaray qabaa'ilo Soomaaliyeed haddana dagaal weyn oo laysu soo habarwacdo oo ay ku diriraan laba saf oo Isaaq iyo Darood ka kala socda una midaysan magac ahaan ma aysan dhicin. Siddaa lidkeeda magaca Guba wuu ka xeel dheer yahay dagaaladaa yar yar wuxuu macnihiisu ku qotamaa ciil iyo cadho iyo arin ay rag badani guracayaan Saahid Qamaana si kale ugu muuqatay markaa uu lee yahay hurgumo iyo caloolyoow badan oo in badan ugu gaaxday ma anigaaba niman yahow daboolka ka qaaday.
Maahmaahdii Soomaaliyeed ee odhan jirtay 'xaajo nin aan ka warhayn indhuhuu ka ridaa' ayaa munaasab ah halkan. Waxaan uga gol lee yahay maahmaahdaa, markii gabayo laga tiriyey Doollo iyo Ciid ay tagaan meelkasta oo caalamka ka mid ah oo Soomaaliyi ku nooshahay, gobol kasta oo Soomaaliyeed, gaadhaan dad badan oo maqalka uun mooyee aan maamuuska gabayaga aqoon, waxaad iska garan kartaa in ay adag tahay in la ilaaliyo tixraacii iyo asalkii silsilada. Si dhib yar ayuu dhagaystuhu wuxuu isaga qaadanayaan wixii lagu yidhaahdo ama waxa markaa hal-haysku u badan yahay siddaa ayuu ugu ekaanayaa haaheeyo raac aan aad uga warhaynin dhacdooyinka. Taa ayaa haddaba keentay in lala yaabo maanta ninkii xog ogaal ah ee yidhaahda gabayadan Guba lama yidhaahdo.
Isku soo duuduub oo taxantan Guba lama yidhaahdo ee waa loo luun jeexay magaca, Gubana waxaa ah gabayadii Saahid. Laakiin, si aan u sahalno fahamka qoraalkan, ugana hortagno adkayn aan loo baahnayn, Guba waxaan ugu yeedhaynaa silsiladan uu bilaabay Cali Dhuux halkan wixii ka dambeeya maqaalkan dhexdiisa. Mise Guba weynu ka deynaa oo waxaynu u bixinaa Gubo? Mise waxaynu ugu yeedhnaa magaca looga yaqaano gobolkii gabayadani ka bilowdeen ee Doollo oo ah "Rayad?"
Xaggee Lagu Tiriyey Guba?
Guba waxaa laga tiriyey dhulka lagu magacaabo Doollo. Doollo waa dhul xoolo daaqeen wanaagsan oo geelu aad ugu tanaado hase yeeshee oomane ah oo biyuhu ku yar yihiin. Ceelasha laga cabo ee biyaha lehi waa fara kutiris. In la qodo oo biyaha sidaa lagu gaadhana way adag tahay waxayna qaadataa muddo dheer iyo maal badan. Oomanaha ka jira Doollo ayaa sabab u ahaa bilowga maansadan, sida aan dib ka cadayn doono. Doollo waxaa laysku yidhaa todoba ceel oo kala ah Walwaal, Wardheer, Uubataale, Waa-Af-Dhuug, Garlow Gube, Yucub, iyo Af-Yaraado. Dhulkaasi wuxuu dhacaa inta u dhaxaysa Wardheer, Caado, Qabri Dahare iyo Shillaabo, markii si wareeg ah loo eego caasimadna waxaa haatan u ah Wardheer. Dhulkan dhamaantii, marka laga reebo labo saddex meelood oo xad ay qabaa'il kala duwan iska taabtaan ah, waxaa dega Ogaadeen, Darood. Qabaa'ilada kale ee dariska la ahna waxay isugu jiraan kuwo dhowr ah oo isla Darood ka ah iyo Habar Yoonis, Isaaq.
Waxaa ceelasha Doollo biyaha lagagala soo baxaa wadaan ay jiido labo ama afar nin iyadoo mar walba ay ku xidhan tahay hadba culayska wadaanta. Tusaale ahaan ceelka Geel Caddeeye la yidhaahdo ee ku yaala degmada Yucub oo ah ugu yaraan saddex iyo toban baac - nin joogii- waxaa inta badan lagaga cabbaa oo kaliya wadaan laga sameeyey laba neef oo adhi ah haragood. Waxaana uun jiidi kara wadaantaas oo buuxda afar nin oo xoog badan oo labo labo intay isuu daba istaagaan dhinacba mar dhufto. Oonka caynkaa ah waxaa sii adkeeya Doollo ooy xooluhu aad ugu badan yihiin sababtoo ah waa dhul xoolaha u roon oo carra san ah qaniinkunu ku yar yahay. Waxaa marka dhacda in dad badani kusoo raro nimcoolayda ay haystaan markii ay barwaaqo jirto. Barwaaqadii markii ay gabaabsido ee biyihii dhulka banaan wadhnaa ay yaraadaan ayaa dib loogu soo noqdaa ceelashii iyo in dadka iyo xooluhuba ku tiirsanaadaan wadaantaa la shubayo si ay u waraabaan.
Biyo yaraantaa, carro fiicnidaa, iyo cid badnaantaa ayaa waxay inta badan dhalisaa khilaaf dhexmara beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed ee ku kulma degaanka Doollo iyo kuwa ku hareeraysanba. Haddaba khilaafka ay maansadan Guba salka ku hayso ma mid kuwaas oo kale ahbaa mise waa mid ka duwan oo ay cillado kale dhaliyeen? Sii akhri adigaa ka dhargi doona jawaanta su'aashan iyo kuwa kale oo badanba ee.
Bilowgii Gabayada
Sidaan kor ku soo xusnay, Cali Dhuux ayaa bilaabay gabayadan. Wuxuu joogay marka uu tirinayo gabaygiisii ugu horeeyey ceelka Walwaal. Neef geel ah oo uu watay ayuu damcay inuu ka balaliyo ceel nin kale ka cabayey. Ninkii ceelka ka cabayey ayaa u diiday oo sida la wariyey ugu jawaabay geelayga oon cabin wallaan neefkaa ihi miiganaynin. Cali inuu dulqaato oo uu kalkiisa sugo, inuu ninka ceelka ka cabaya iska sasabo oo uu u af-miinshaareeyo, inuu isagaba tago oo uu ceelasha kale biyo ka daydo, iyo inuu wax isku dira direeyo oo uu dab ka dhex afuufo dadka wada nool ee xigaalo iyo xididba leh ayey midood u ahaatay. Wuxuu doortay tan dambe oo horseeday inuu tiriyo gabaygii Cartan uu kula hadlayey.
Haddaba la isu gabay oo la isu faan lana isu mindiyo lisay, dadka qaarkiina sida Qamaan Bulxan maslaxo iyo islaax isku daye inay ka shaqeeyaan. Arintuse maxay ku dambaysay markii taariikhda iyo gododkeeda dib loo rogrogo?
Waxaa muhiim ah inaan caddayno cidda isu gabyeysa iyo sidda laysu kala ood xigay. Guud ahaan waa dagaal gabay oo dhex maraya Ogaadeen, Dhulbahante, iyo Isaaq. Ogaadeen iyo Dhulbahante waxay isku yihiin Kablalax oo ina Darood ah. Haddaba haddii abtir ahaan, ama sidda ay qabaa'ilka Soomaliyeed maanta u kala yaalaan la eego, waxay ku haboonaan lahayd in la yidhaa waa Darood iyo Isaaq isu gabyaya. Laakiin sidaa xaalka dhabta ahi ma ahayn. Laba reer oo Darrood ah, Ogaadeen oo dhinac ah iyo Dhulbahante oo dhinac ah oo midba midka kale Isaaq ku riixayo oo uu lee yahay lagu dhac oo waad fara madoow dahay ee wax iska dhici oo nacabka kusoo fangalay yur is ka dheh ayey maansada badankeedu ku caano shubanaysay. Haddii dhinac kale laga eegana waxaa lagu doodi karaa Isaaqba uma dhanayn gurdanka iyo geedanka meesha ka socday ee waxaa uun degaanka lagu wada hadlayaa ka dhawaa waa Habar Yoonis, Ciida Gale iyo Habar Jeclo.
Gabayadii Cali Dhuux gar iyo gardaro waxay ahaayeenba dhace oo saddexda dhinacba laysu gabay lana isu dano iyo nasab sheegay. Maxay ku dambaysay haddaba? Bal tusaalayoow dhowr ah oo ina tusaya ugu dambayn xaalku sidduu ku basbeelay aynu soo qaadano si aynu si kama dambays ah u buddhigno dooda ah hebel baa badiyey, reer hebel ayaa dhulkiisii la dhacay, anagaa wax digo iyo dambas ka dhignay, iyo sad bursashada noocaas ah ee dhinacyada ku loolamayey maansadan dhexdeeda mid walba soo qadimo markii Guba lasoo hadal qaado. Waxaa aad muhiim u ah, akhristooy, inaad xusuusnaato in maansada Guba ay ku socotay sabateeduna ahayd dhul la sheeganayo in la kala dhacay oo ciddii lagu yaqaanay xoog lagaga hantiyey. Haddii aadan muhiimadaa hadda arag, dib ayaad ka fahmi doontaa markii aad hoos usii raacdo qoraalkan.
Dhulka Umuuqda in Laysku Haysto
Gumaysigii Ingiriisku markii uu ka xoog batay ciiddamadii xag u dirirka ahaa ee Daraawiishta, xaruntii Taleexna uu ku weeraray diyaarado aan waqtigaa ka hor lagula dagaalamin cid kale oo Afrikan ah, ayaa wuxuu bilaabay inuu isku balaadhiyo dhulkii ay Soomalida Daraawiishta gacan saarka la lahayd ku noolayd. Wuxuu kaloo bilaabay inuu ciqaab ahaan u riixo geeskana uu galiyo qoys walba oo Daraawiishta xidhiidh hoose la lahaa ama lagu tuhmayey inay la lahaayeen. Waxaa iska cadaatay in Ogaadeen oo Sayidku ka dhashay taakulo joogta ah oo kale duwanna Daraawiishtu ka heli jirtay xilliyo kala duwan, iyo Dhulbahante oo Sayidka reer abtigii ahaa, badhkiina Daraawiishta raacsanaa ay noqdaan caddowga koobaad (public enemy number one) ee Ingiriis iyo wixii daba socdayba ay wajahaan.
Wuxuu Ingiriisku saanad iyo banaadiikh culus siiyey Isaaq oo isu arkayey in uu waligii dulmi xagga Daraawiishta kaga socday Ingiriiskuna uusan si joogta ah u difaaci jirin. Isaaqu hubkii iyo saanadii gaalku siiyey waxay u isticmaaleen in ay ku hujuumaan Dhulbahante iyo Ogaadeen oo ay u arkayeen inay meelo badan ku haalufeeyeen iyagoo Daraawiishtu naas nuujinayso.
Waxaa tusaale u ah hubkaa Ingiirku ku tabacay Isaaqa iyo wareemaysigii dabasocdayba tuducyadan soo socda:
Qamaan Bulxan:
- Iidoor Dir weeyee hadduu, duullaan soo bixiyo
- Dunji Habar Magaadluhu hadduu, dabarka soo gooyo
- Dunbuq iyo rasaastii hadduu, Debecsanuhu (gaalku) siiyo
- Horta yaa la da'a wayla yaab, dawyadaad xuliye?
Maxamed Cumar Dage:
Haddaan gaalku noo dilin Isaaq, dalab ma maaleen dheh
Cilmi Carab:
- Layliga laxaad lihi haween, waa luggoyn jiraye
- Haddii aan nin ragi loodinayn, dumar ma liicshaane
- Leeleeshe gaaladu haddaanay, kugu lamaanayne
- Adba ilama aad loolanteen, oo Lillaahiya e
- Libna iga-walaad haysateen, Ladanna maasheene
Wuxuu yidhi Jaamac Xirsi Guuleed (Isaaq) isagoo Cali Dhuux u jawaabaya weerarada Isaaqna u cudurdaaraya:
- Dagaal iyo dhac waa loo ogaa, duul shisheeye ahe
- Iyaguba kun jeer bay dunsheen, dawladda Isaaqa e
Wuxuu lee yahay maxaad noogu guubaabinaysaa Ogaadeen Caliyoow, sow waligeed annaga iyo Ogaadeen dil iyo qaad nooma ahayn? Sowse iyaguba kun jeer nagama aysan lug-meersan hadda ka hor. Maxaad taa u arki la'adahay?
Margaret Laurence buuggeedii ahaa A Tree for Poverty ee ay kaga waramaysay taariikhda gabayada Soomaliyeed ayna ku sifaynaysay in gabaygu Soomaalida u yahay geed weyn oo doog iyo diraacba hadh qaboow leh oo ay Soomalidu ka hoos hadhsato gaajada, collaada iyo rafaadka reer-guuranimadu lee dahay, waxay ku qortay iyadoo ka hadlaysay collaada Ogaadeen iyo Isaaq dhexmari jirtay xilligaa una markhaati furaysa Jaamac Xirsi Guuleed beydkiisaa sarre:
The Ogaden are a section of the Darod Somalis, and live close to Ethiopia. They are famed for their warlike spirit, and they still attack and raid the Ishaak [sic] Somalis. Their nick-name is "Libahh" (lion).*
Ogaadeenku waa qoys ka mid ah Daroodka Soomaaliyeed waxayna degaan dhaw la leeyihiin Itoobiya. Waxay caan ku yihiin dagaalyahanimo xaamasad leh ilaa iyo haddana waxay weeraraan soona dhacaan Isaaqa Soomaaliya dega. Waxaa lagu naanaysaa Ogaadeenka Libaax.
Maxamed Cumar Dage na waa kii lahaa isagoo ka hadlayey jab weyn oo ay Abraahiin, Ogaadeen, u gaysteen Habaryoonis, Isaaq, kadib markii Habaryoonis weerar kadiso ah soo qaaday hase yeeshee guushii ku dambaysay Abraahiin:
- Rag haddaad dakano kala qabtaan, dil iyo qaad gaadhay
- waa lagu digtaa maalintay, xagashu daacdaaye
- Doollo iyo warkii Bari, waan ku diirsadaye
- Waa kaan dabaaldagay markay, soo dawariyeene
- Iidoor duliga gaadhay waa, roob gu' oo da'aye
- Daarood Ismaaciilna waa, u doogsin galabeede
Samatar Baxnaan (Dhulbahante) waa kii lahaa isagoo ka hadlaya collaadda guunka ah ee ka dhaxaysa Isaaq iyo Dhulbahante:
- Xasan iyo anoo Sida Siciid, la i xambaaraayo
- Iyo haatan xaaddii gadhkoo, xayga ka caddaatay
- Xabbad iyo dil bay noo ahayd, reer Xirsi Cismaane
Soo koob oo saddexdan qabiil waligood dirir iyo waxaa ka dhaxaysay is maag joogta ah. Marar badan oo si nabad ah loo wada noolaa oon dhibaato jirin dadkuna daris wanaag iyo ixsaan kuwada dagan yahayna way jirtay. Run ahaantii mararkaa dambe ayaa badnaa. Hase ahaatee, qabiil Soomaliyeed oo qabiil kale ka adkaa ma jirin mana jiro maanta. Midba marbuu wax isbidaa oo ka kale ka yara tugtug roonaadaa, laakiin qabiil si joogta ah u muquuniyey ama u muquunin kara qabiil kale ma jirro lamana sheegin taarikhda Soomaalida.
Haddiise aan si hoose u eegno dhulka gabayada la mariyey ee ragga gabyey ay sheegeen in la kala dhacay, waxaa inoo caddaan doonta maanta cidda degen ee ku nool laguna yaqaano, ciddii gabyaagu sheegay in laga xoogay, ciddii lagu sheegay inay xoogtay, iyo haddii uu jiro qoys dhulkii lagu yaqaanay ka maqan oo tabar darro daraadeed soo dhacsan waayey.
Doollo, Danood, Ciid, Daratoole, Faafan, Doh, Wardheer, Cammuud -ceel magacii-, iyo Walwaal ayuu Dhulbahante sheegay in Ogaadeen laga boolyaday oo Isaaq dhac iyo badheedh ku qaatay. Waakii Cali Dhuux gabayga mariyey:
- Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye
- Loo diid Dannood iyo hadduu, degi lahaa Ciide
- Daratoole iyo Faafan oo, wada duraabaaya ...
- Alla Dawguduudii Wardheer, kama durduurtaane ...
- Darar kagama maalaan Cammuud, diiqo iyo xoore
- Maantana dukaamaa la dhigay, dagalkii Gaafowe ...
- Doox iyo Doh iyo Faafan, way soo dalbanayaane
Dhamaan dhulkaa uu Cali Dhuux carabka mariyey raggii kale ee Dhulbahante ee silsilada ka qayb qaatayna ay in badan kusoo celceliyeen iyagoon wax cusub ku darin, waxaa dega Ogaadeen badankiisuna waa daakhilka oo degaan kale oo Ogaadeen leeyahay ayaa dhinac walba kaga xeeran. Haddii uu akhristuhu juquraafiga dhulka yaqaano si dhib yar ayuu u hubin karaa arintaa.
Maxamed Cumar Dage isagoo u jawaabaya Cali Dhuux iyo Dhulbahante waa kii gabayga mariyey dhamaan dhulkaa aan soo sheegnay qaar kale oo ka shisheeyana u sheegay Cali in uu degaan Ogaadeen yahay. Wuxuu yidhi:
- Ogaadeen Dannood iyo Digiyo, durugsay ceelkii dheh
- Iidoor dalaalimo ka waa, Doollo iyo Ciid dheh
- Daratoole iyo Faafanbaa, daakhilkii yahay dheh
- Deegaanta Iligeedna waa, dagal Makaahiil dheh
- Daris nimaan ku jooginina waa, daaqi Xodayood dheh
Wuxuu meel kale ku yidhi Maxamed Cumar Dage:
- Ogaadeen xaqqii laga hayiyo, saa'id buu helay dheh
- Hurre wuxuu ganbiyey hayb dhan oon, hali u foofayn dheh
- Togga Hulan hundaha Ceeliseed, harada Gaaroodi
- Haruun Maxaadaar halkuu, halab ku beeraayey
- Hogga Buduxle hoosada bankiyo, Halale meeshiisa
- Heeshiga Wardheer iyo Dannood, Harasan guudkeeda
- Hiyigii ku beenoow intay, ugu hawoodeen dheh
- Gabogabo kob aan lagu hantiyin, heelka laga waa dheh
Dhinaca Dhulbahantaha, Ogaadeenku wuxuu gabayada mariyey dhulal badan oo lagu yaqaanay degaanna u ahaa Dhulbahante hase yeeshee Habar Jeclo ka fara-maroojisatay, Daaroodka kalana aad uga xun yahay in arintaas ay siddaa ku dambayso. Waxay hal-abuurada Ogaadeen kusoo celceliyeen in badana Dhulbahante ku dhiiri galiyeen in ay mar uun ku haasaawaan Caynaba, Ceel Dhaab, harrada Badwey, iyo howdka xoolla daaqeenka ah ee u dhexeeya Burco iyo Buuhoodle. Bal aynu tusaale usoo qaadano dhowr tixood
Qamaan Bulxan:
- Idinkuba darkii Caynabaad, deris ku taalliine
- Dagaalama rag doorkii la laa, duub caddii Hagare
- Ama nadaaya waan wada qabnaa, daawasho iyo ceebe
Maxamed Cumar Dage:
- Idinkaa dalkiinii u huray, Habar Xabuusheed dheh
- Hanbaraacin mooyee horraad, uga hagaagteen dheh
- Garaad Faarax goortay hanteen, haatan ma ahayn dheh
- Hanan weyde heelkii Badweyn, haradii Ceel Dhaabe
- Ka huleeshe Howdkii sarre iyo, haatan Caynaba e
- Nimaan Habar Jecliyo Muusayoow, uga hagaagaynin
- Inuu dhoodi hoos ugu dhacoo, haniyo weeyaane
Dhulkaa Ogaadeenku sheegay dhamaan waxaa daga Habar Jeclo iyo Laba Muuse, Dhulbahantana qori agtiisa kama jabin karro. Taariikhda dhulkan qaarkii Soomaalidu aad bay u taqanaa ulana socotaa maxaa yeelay waxaa jirta odhaah Soomaaliyeed oo tidhaahda "Lixdan jirka Dhulbahante iyo labaatan jirka Habar Jeclo yaa Caynaba ugu garqaadi doona" Odhaahdu waxay daaran tahay ninka lixdan jirka ah ee Dhulbahante wuxuu ogaa soona gaadhay Caynaba oo gole tolkii ah siddii ayaana wali ku qufulan tabari waa halkeedee. Labaatan jirka Isaaqna wuu ku dhashay isagoo Caynaba dhextaagana wuu is arkay, marka waxba uma uu qirsana Dhulbahante inay meesha qor ku leeyihiina uma uu arko.
Cali Dhuux markuu arkay inuusan wax lib ah haynin, Ogaadeen oo uu isagu gabayga la doontayna gabay ku xujeeyeen, dhulkii uu sheegay inuu ka maqan yahayna uu arkay in daakhilka degaanka Ogaadeen uu yahay, Qamaan Bulxan, Maxamed Cumar Dage, iyo aftahanadii kale ee Ogaadeena ay libin ku geeraareen, tolkiina uu ka quustay inay ceebta iska qaadaan ayuu badheedhihiisii cadaystay oo uu gaadhay halkii (maahmaah dumareed) ay haweenaydii ku tidhi yarkii ay dhashay "ku qariyey oo ku qariyey ee labaatan jir" oo uu macnaheedu yahay idiin ceeb qariyey oo afka idinku difaacay laakiin wax dambe oon qariyaa ma jiro ilaa aad Isaaq meel iska marisaan. Wuxuu yidhi isagoo marna calaacalaya marna dan sheeganaya:
- Gunbaan ahay ganbo-cad baygu xidhan, iyo gar naagoode
- Gashaantiyaha sidoodoo kalaan, guur u sugayaaye
- Aniga iyo hablaha loo galmoodo, waan gudboonahaye
- Jeeroon ganboolka iska rido, guudka iga saaran
- Ogaadeenka noo soo gabyoow, waa gar xaajaduye
Markii Ogaadeenku dabacsanaanta Dhulbahante farta ku fiiqay, Caynaba, Ceel Dhaab iyo dhulalka kale ee ka maqanna gabayada mariyeen, markii ay Xaaji Cumar Cameey oo ahaa nin Dhulbahante iyo Daroodka kalaba aad u jeclaa, markuu hadlayana sidda la sheegay dhihi jiray anigan Darood ah, iyo Axmed Cige Sii'arag oo isna nin qiime u saaxiiba ahaa ay Dhulbahante u aari waayeen, ayuu Maxamed Cumar Dage wuxuu taladii ku gooyey inuusan Dhulbahante dagaal dambe ku jirin ayna Isaaq say doonaan ka yeeleen, markaas ayuu Hartiga kale dacwo ahaan, iyo bal inay u miciinaan warka gaadhsiiyey. Wuxuu yidhi:
Haddaba haddii aynu soo koobno qaybtan ah dhulalka la sheegay in la kala qaatay, dhulka guud ahaan Ilaahay (sw) baa leh, Soomaliduna waligeed waa wada daaqdaa wadana degaan. Haddii nin meeshii lagu yaqaanay ka maqan ama laga durkiyey uu jirana sidda Cali Dhuuxba qirtay ninkaasi waa Dhulbahante. Wixii intaa aan ahayn ee la sheego waa dhinacay adag.
Cali Dhuux ma Dira-diraaluu ahaa?
Taxanihii Guba inagoo wali badhtanka kaga jirna, ayaan waxaan moogan bal yara eegaynaa Cali Dhuux Aadan Gorayo oo ahaa ninkii bilaabay taxantan soona gabagabeeyey iyo inuu ahaa nin diradiraalaynta caad ka dhigtay iyo inkale. Waxaan ku bilaabaynaa caddayn aan cadaynayno in ujeedadu tahay oo kaliya taxliilin iyo taariikh dhowr ee uusan jirin qof si gooni ah uu ugu leexsan yahay ama uga leexsan yahay qoraalkani.
Waxaa adag in aad akhriso ama aad dhagaysato maansooyinka Cali Dhuux, sida gabayada dhawr ka ah ees ku leeyahay Guba isla markaa aad arki weydo isku dirka iyo naar-afuufnimada sida cad ee qayaxan uga buuxda. Dhamaan dadka sida dhexdhexaadka ah u qiimeeya una midab-kalasooca maansooyinka Soomliyeed waxay qireen in Cali Dhuux ujeedo kale oo uu ka lahaa ama uuka yeelan karay bilowgii Guba 2 aysan jirin jirina karin. Dadkaa haddii aan tusaale ahaan kuuguu soo qaadno waxaa ka mid ah Axmed Faarax Cali Idaajaa oo barnaamij uu lee yahay dhawaan BBC du soo daysay tilmaamayna in Guba 2 ay diradiraale buuxa ahayd. Anigu waxaan aaminsanahay diradiraalaha ka sokow in ujeedooyin kale oo dhawr ah oo aan kusoo bandhigi doono majaal kale jireen kuna xambaareen in Cali Gabyo. Haatanse, bal aynu tusaale ahaan mar kale usoo qaadano dhowr tixood ooy tiriyeen rag xilligii Cali Dhuux noolaa aadna inooga yaqaanay Cali Dhuux, dadnimadiisa, garashadiisa, garowshihiisa, iyo sifaadkiisa kale oo dhan ee qof ama wanaajiya ama duleeya.
-
Dabkaad hurisay Cali Aadanow, dogobbadaad oogtay
-
Dambaaburadaad ololisiyo, dirirta guusheeda ...
-
Kumana diirsan maansadu hadday, dunida aafayne
-
Duunkaaga kuma suubbanayn, diradiraaluhuye
-
Allay lehe denbaab lama hadlee, kulama doonayne
-
Dalkoo nabad ah baad uumiyaha, belo la doontaaye...
-
Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey
-
Cawlkii la dabay oo mindida, dabaxda loo waayey
-
Oo qoday birtii lagu deg-dhabay, kuugu duurxula'e
-
Allay lehe dadkii kugu danniyay, waaba kuu digaye
Ismaaciil Mire oo Cali Dhuux ina-adeerkii ahaa dadna oogu yaqaanay ayaa kula dagaalamaya diradiraynta iyo fidmo wadid uu hadba dadkoo nabad uyaala marba aafo iyo utun la doono (1-4). Waxaa halkan xusid mudan oo kale in Mujaahidku gabaygan dhexdiisa uu ku sheegay Cali garasho xumo iyo inuu yahay nin aan aad u aqoon sarbeebta maansada (5-8).
Qaar wax ma garato ah ayaa waxay Cali Dhuux ku amaanaan wax aan amaanba noqon karin oo ceeb iyo calool-xumo ah oo ah inuu ahaa nin garaadkiisa iyo garashadiisa ku khilaafay Ismaaciil Mire, Sayid Maxamed, iyo halgankii gumaysi diidka ahaa ee Daraawiishta. Caqliga iyo garaadka kaa horkeenay danaha ummadda Soomaaliyeed, Ingiriis iyo gumaysigiisiina cawaam kaaga dhigay, kuna yidhi mucaarad halgan uu wax-garadka Soomaaliyeed oo dhan aaminsan yahay haddii uusan hubka qaadan lahayn in ubad iyo waayeel badan oo Soomaali ahi macatabka laabta ka lulan lahaa ma aha caqli iyo garaad mudan in lagu amaano qofna, ku nool iyo mid mootanba. Qofkii amaan taa u haystana wuu mala habowsan yahay.
-
Dab baad ololisaa kumano gubo, daa'in abidkaaye
-
Intaad dogob shiddaa baad taqaan, dirdirayn jaane
-
Daaskaad fadhido sow gubee, degelkan qiiqaabi
Qamaan Bulxan oo ay aad isu or iyo odhaah yaqaaneen ayaan isna dusha ugu shubay wax nin weyn lagu sheego tii ugu xumayd oo ah collaad iyo cillad abuur uu muslinka kula dhex wareegaysto.
Buraale Cali Ubaxle isna wuxuu si cad ugu waafaqay Ismaciil iyo Qamaan oo aad mooda in ay taar kuwada hadleen ama is uur ogaayeen.
-
Nin da'yari dambaab iyo ha galo, diradirayntaase
-
Diintii Rasuulkiyo haddaad, daacadda ujeeddid
-
Oo aadan dariiqada ka bixin, duudii Nabi Aadan
-
Oo madaxu deebtaa ku yahay, waa digniin dhab ahe
-
Sidee baad dawaar ugu rogtaa, dunida geestaada?...
-
Adaa Dir iyo Daarood dhex dhigay, dab iyo baaruude
-
Dacar gelisey reerihii ahaa, ul iyo diirkeede
-
Mugga haatan dirir uumiyuhu, waa is dilayaaye
Ismaaciil Cigaal Bulaale isna siddii abwaanidii horre ayuu Cali sifadii iyada ahayd ee ceebta iyo foolxumada ahayd ku sheegay isagoo waliba xusuusinaya diinta Islaamka iyo garashada Rasuulka (csw).
-
Haawaydu kama maaranteen, heejigaa dhalaye
-
Haleelada ma daayeen nin cunay, hilib ugaadheede
-
Haaraanka iyo faanka wayska, hidda raacdeene
-
Habarwaana waa kaa hingilan, labadii haamoode
-
Shirsooruhuba hoy maleh kuwaad, hilib wadaagtaane
-
Waa kaa hayaankii ku dhacay, Hobyo iyo Xeebe
-
Ararsame ma haybsado Nugaal, hogashadii ceele
-
Hanas iyo abaar kulul adoo, habaqle soo guurey
-
Caynaba hadhuub kama dartaan, hoga kaliileede
-
Ka hulleele Hagar Aadankii, hoobalayn jiraye
-
Adunbaa hayaayda u guntane, heeryo lagu saarye
-
Adunbaa hinaayiyo u jilan, haawis iyo ceebe
-
Aniguna halkaad degi jirtaan, ka hawisaayaaye
-
Hadba waxa ku soo gocan sidaan, kuu harraatiyaye
-
Hibashada xun waa lagu yaqaan, Habar Xabusheede
-
Waataad haween nagu xustee, haad ma ku cunsiiyey
-
Dabadeedna hoog iyo hungiyo, ciil ma la huleeshay
-
Haddaad ficil hinaasiday asaad, hiilin kari weydey
-
Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad, ka hanajabaysaaye?
-
Bal inuu hanfade waalan yahay, habi la'aantiisa
-
Hadmuu ku hirtey Cali Yuusufkuu, humay colaadiisa?
-
Dadka kale tashiga waa hojaa, kay hadhaw noqone
-
Waxaanu hubsan reer Cali Geraa, haa dhawaan jiraye
-
Dabkaad hurin habeen iyo dharaar, halacyadaad oogi
-
Halna kuma xereyside dadkaad, ku hawaraysaaye
-
Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi, hollacii naareede
-
Iska hadhaye aakhiraba waa, lama huraankiiye
Salaan Carrabeey isna halkii ay nimankii horre mareen ayuu maray oo waliba baac usii dheeraysiiyey. Waxaa ku cusub tixdan Salaan oo isku hal gabay ka soo wada jeeda amaarado foolxun oo ay ka mid yihiin faanka, hinaasaha, hibashada, hanfadonimo, iyo hubsiimo la'aan uu Salaan Cali ku sheegay isagoo ku soo gabagabeeyay diradirayntii abwaanidii kalaba carabka kusoo wada dhufteen.
Haddaba Cali Dhuux wuxuu ahaa isaga iyo Rabbiggii ayey ka dhaxaysaa laakiin taariikhdu waxay qirtay oo aan ku soo raray carabyada abwaaniintaa korre waa sidaa. Qof walba iyo fahamkii.
Bal halkaa ha inoo qandoodo caawa. Waxaa soo socda qeybo kale oo badan ee ha u deymo la'aanin taxanaha Guba 2.
Gabaygii 1aad ee ee Guba 2:
I
Please get in touch to offer comments and join our mailing list. |